Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Al-Shabaab oo la Wareegay Gaadiid ay Lahaayeen Wasiiro

User Videos

    123    
Dagaal Xamar
By: Abbas Gassem
Saadi Ali iyo Djibouti
By: Mohamed Abdi
New Beginning
By: Mohamed Abdi
Blood path of Somalia
By: Abbas Gassem
Maryan Mursal
By: Abbas Gassem

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Login

Syndicate

Get Our News Updates
May 10 2008
Al-Shabaab oo la Wareegay Gaadiid ay Lahaayeen Wasiiro

Written by Ali Moallim,

Published in : News in Somali, Siyaasadda | Somaliya


Walaweyne,(insidesomalia.org)- Xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa maanta dagaal kula wareegay Gaadiid ay lahaayeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha Muuse Nuur Amiin iyo Maaliyadda Maxamed Cali Xaamud.

Gaadiidkan oo marayay inta u dhaxeysa Degmada Wanla-weyn iyo Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa dhexda uga soo baxay Xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxayna halkaasi ku dileen 4 ka mid ah ilaaladii gaadiidkaas la socotay, halka ay kuwo kalena dhaawaceen waa sida uu sheegay Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

“Mujaahidiinteena ayaa maanta waxay weerar ku qaadeen Gaadiid ay lahaayeen Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho, waxayna mujaahidiinta halkaas ku dileen afar ka tirsan ilaaladii gaadiidkaas la socotay, labo gaari iyo hub saarnaana wey ka soo furteen”ayuu yiri Abuu Mansuur.

Sidoo kalena weerarka lagu qaaday Gaadiidka Wasiirrada waxaa xaqiijiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Aadan Cali Cali Ganey, kaasi oo sheegay in uu soo qaaday Meydadkii iyo dhaawacii soo gaaray ilaaladii la socotay gaadiidkaas, kuwaasi oo uu sheegay in uu ku wareejiyay Maamulka Degmada Wanla-weyn.

Lama socon Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda markii weerarka lagu qaadayay Gaadiidkooda iyo ilaaladooda, waxayna labada Wasiir ku kala sugan yihiin Magaalooyinka Muqdisho iyo Djibouti.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhaxeysa Deegaannada yaaq-biri-weyne iyo Leego weerar lagu qaaday, isla markaana halkaas Gaadiid looga gubay, Ciidamana looga dilay, halka la sheegay in ay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa iyana Deegaankaas ku dileen ilaa Lix Ruux oo rayid ah.





Quote this article in website Favoured Print Send to friend Related articles Save this to del.icio.us

Users' Comments  RSS feed comment
 

Average user rating

   (0 vote)

 

No comment posted

Add your comment

Saturday, 10 May 2008
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >